Cusbooneynta Kaararka Cafimaadka : MA iyo MinnesotaCare

Waxaa sanadkan 2023da  Gobolka Minnesota dib oga bilaabanaya cusboneysiinta Kaarka Cafimaadka ee MAga  waxaana lagu bilaabayaa dadka uu kaarka ka dhacaayo bisha Luulyo 2023.

Cusboneysiinta Kaarka Cafimaadka ee MinnesotaCare waxaa la bilaabayaa bisha Oktoobar 2023da si uu kaarka u noqdo mid la isticmaali karo bisha Janaayo 2024ka.

Ma u baahantahay in lagaa caawiyo buuxinta waraaqaha cusboneysiinta? Maantaba naga soo wac telefoonada kala ah : 612-844-0710 //855-566-7873 ama  ballan ka sameyso HALKAAN.

Su’aala (S) la Xiriira Cusboneysiinta Kaararka Cafimaadka yo Jawaabahooda (J)

S: Waxaan haysta kaarka (MAga)- maxaan u baahanahay in aan wax ka ogaado kaar cusboneysiinta bilaabaneysa 2023?

Cusbooneynta Kaararka Cafimaadka : MA iyo MinnesotaCare

J: Sidii uu COVID 19 u bilowday waxaa hawlaha Cafimaadka Guud ee Gobolkeena  Minnesota la geliyey xaalad cafimaad oo deg deg ah, sidaas darteed ayaa 3dii sano ee lasoo dhaafay waxaa dhamaan dadkii haystay kaarka MAga  loo ogolaaday in aan kaarkooda cafimaada loo daayo oo aan laga go’ynin.

  • Sidaas darteed, ma aadan heli jirin foomamka cusboneynsiinta. Waxaad heli jirtay waraaq laguugu sheegayo in kaarkaagii laguu cusboneysiiyey.
  • Madaama uu Gobolka ka baxay xaaladdii deg degga ahayd, waxaa dib loo bilaabayaa in uu qof walba kaarkiisa cusboneysiisto . Waxaa lagaa rabaa inaad qaado talaabooyinka soo socda:
  • Haddii aad guurtay 3dii sano ee la soo dhaafay , hubso in aad cinwaankaaga cusub  la socodsiiso Kawntiga  aad deggen tahay.
  • Fiiro gaar ah u yeelo waraaqaha boostada kuugu imanaya. Haddii aad hesho foomamka cusboneysiinta, ku buuxi maclumaadka lagaa dalbaday, si dhaqso ahna u celiyo. Ogow waxaa lagaa rabaa inaad ku celiso muddo  45 cisho gudahooda ah.
  • Ha ilaabin inaad ku lifaaqdo wixii cadeymo ah ee lagaa dalbado side dhaqaalaha qoyska soo gala.
  • Cusboneysiinta kaararka MAga waxaa qofka/qoyska loo sameynayaa bishii uu qofka/qoyska sameyeen dalabkii ugu horeeyey .  Koox walba markii waqtigooda la gaaro ayeey helayaan waraaqaha cusboneysiinta.

S: Waxaan u baahanahay in la iga caawiyo buuxinta waraaqada cusboneysiinta kaarka cafimaadka, yaa iga caawin kara arrintaan?

J: Briva Health waxaa diyaar idinkugu ah xirfadleyaal haysta  ruqsadda MNsure lehna  khibrad dheer oo la xiriirta kaararka cafimaadka.  Shaqaalaha Briva waxay kuu fasirayaan qoraalka cusboneysiinta, foomamka ayeey kula buuxinayaa ka dibna waxay waraaqahaaga oo kaamil ah u dirayaan kawntiga aad deggen tahay.

  • Xirfadleyaasha Briva waxay ku fahamsiinayaan fiiramaha waraaqda cusboneysiinta ku qoran, waxay kula saxayaan wixii isbedel ah oo xaaladaada ku yimid sida ( dhaqaalaha idin soo gala, tirada qoyska, waraaqaha socdaalka iwm) waxay kula diyaarinayaa wixii cadeymo ah ee loo baahan karo waxayna hubinayaa in ay  waraaqahaaga   kaamil yihiin ka hor inta aan la gudbin.
  • Xirfadlayaasha Briva waxay diyaar u yihiin inay caawiyaan dhammaan Reer Minnesota meel kaska oo ay Gobolka ka deggenyihiin.
  • Shaqaalaha Briva waxay ku caawin karaan haddii aad xafiiskooda ku soo booqato ama haddii aad telefoon kula soo xiriirtid. Haddii aad rabtid in lagu caawiyo isla maalintaas gudaheed, naga soo wac telefoonada kala ha; 612-844-0710 // 612-855-1030 ( check this # please). Waxaad nagu soo booqan kartaa  xafiisyadeen ku kala yaala:
  • Minneapolis: 2211 E Lake St. Minneapolis MN 55407
  • Saint. Cloud : 3400 1st Street, Suite # 103 MN 56303
  • Haddii aad doneysid  inaad BALLAN SAMEYSATO, RIIX HALKAAN.
  • Shaqaalaha Briva waxay ku hadlaan 6 luqadood , luqadda aad jeceshahay ayeey kugula shaqeynayaan.